Wararkii ugu dambeeyay hawlgalada ka socda Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa hawlgalo sifeyn ah ka sameeyay deegaanada dhaca koonfurta Magaalada Beledweyne ee ku teedsan Jiinka Webiga Shabelle.

Deegaanadan ayaa la fahamsan yahay in maleeshiyada Al Shabaab ay uga soo duuli jireen bariga gobolkaasi, iyagoo markaasi iska soo abaabulaya daanta galbeed ee webiga.

Hawlgaladan oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayay ciidamadu ku xaqiijiyeen amniga deegaanada Beerxaano, Tarejante, Ceel la helay, Burdaar iyo Booco.

Gudoomiyaha oo ay wehliyaan Saraakiisha Ciidanka Militariga, sida Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Tawane Axmed Gurey, Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) iyo Saraakiisha Kumaandooska Danab & Gorgor ayaa lagu xaqiijiyay nabadgelyada deegaanadaasi.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ciidamadu xaqiijiyeen amniga deegaanadii horey looga saaray Shabaabka, balse billihii ugu dambeeyay ay weerarada ka gaysanayeen.

Gudoomiye Jeyte ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ka go'an tahay in la xaqiijiyo amniga guud ee gobolka, diyaarna ay u yihiin in ay sii wadaan hawlgalada lagu soo afjarayo sida uu yiri Khawaarijta.

Jeyte ayaa muujiyay inay hadda u qalab qaadanayaan deegaanada dhaca galbeedka gobolka, halkaas oo ay Shabaabka kaga harsan yihiin gobolkaasi.

Jeyte oo Warbaahinta kula hadlayay jiidda hore ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay "Dadka Soomaaliyeed waxaan mar labaad carabkayga ku adkeynayaa, war haloo istaago dhagarqabeyaasha in Somaliya laga saaro."

Gobolka Hiiraan ayaa xudun u noqday dagaalka dalka looga saarayo Shabaabka hubeysan, ka dib weerarkii horaantii bishii September ay maleeshiyada Shabaabku ku laayeen dadkii socotada ahaa ee ku safrayay waddada Beledweyne iyo Maxaas.