Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ballaaran ee ka bilaabanaya Galmudug

Waxaa muuqata inuu heer geba-gabo ah marayo qorshaha ay Dowladda Federaalka ku dooneyso in ay ciidamadeeda iyo dadka deegaanka ku xoreeyaan dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab uga harsan yihiin deegaanada Galmudug.

Shalay illaa xalay ayaa waxaa Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud gaaray ciidan xoog leh, ka dib markii ay siyaabooyin kala duwan uga ambabaxeen Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogag deegaanka ah oo odayaasha beeluhu ay abaabulkoodu ka qayb qaateen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka qayb qaadan doonaan gulufka lagu qabanayo Magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada kale ee ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin bariga gobolkaasi.

Sidoo kale ciidamadan ayaa la sheegaya in ay ku faafi doonaan dhulka miyiga, iyagoo markaasi la hawlgeli doona Macawiisleyda muddooyinkii ugu dambeysay lagu diyaarinayay gobolka. Ujeedka ayaa ah in ciidamadu aanay Shabaabku wax fursad ahi u siinin in ay dib iska soo abaabulaan, weerarana aanay uga gaysan dhulka la xoreeyay.

Dhanka kale dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ayaa laga soo sheegaya xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, taas oo u muuqato mid Shabaabka Gobolada Dhexe looga jaraayo gurmadka uga iman kara dhanka Gobolada Koonfureed.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in sidoo kale uu ka hortegayo in firxadka maleeshiyada Al Shabaab ay gaaraan Gobolada Koonfurta.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xudun u ah diyaargarowga ciidan ee Galmudug ka jira, halkaas oo maalmihii ugu dambeysay uu ku sugnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wejiga labaad ee hawlgalka ka bilaabanaya Galmudug ayaa waxaa ciidamada dhanka cirka ka taageeri doono diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

Diyaaradaha ayaa la sheegaya in ay bartilmaameedyo ka fulin doonaan dhulka ay ciidamadu ku adkaato in ay difaacooda ka gudbaan iyo weliba goobaha kale ee loo arko in Shabaabku isku uruursanayaan.

Qorshaha ayaa ah in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay muddo kooban ku qabtaan deegaanada ay Shabaabku ka joogaan Koonfurta Gobolka Mudug iyo Bariga Gobolka Galgaduud, ka dibna ay ciidamadu cagta mariyaan deegaanada ay Al Shabaab ka maamusho daanta galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay u fududaan doonto hawlgalka xigga ee laga fulinayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waana mar la wiiqay awooddii Shabaab ee Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa haatan si ku-meel-gaar ah ugu shaqeynaya Magaalada Dhuusamareeb, si Shabaabka looga sifeeyo Gobolada Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya in marka lagu kala baxo hawlgalka Gobolada Dhexe ay ciidamadu u weecdaan goobaha ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.