Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ka socda Galmudug

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa ku sii siqaya deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud.
Deegaanadan ayaa fure u ah qorshaha ay ciidamada kula wareegayaan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolkaasi.
Ciidamada ayaa la sheegaya in ay miinooyin fara-badan ka saareen waddooyinka ay u marayaan la wareegista Cowsweyne iyo Wabxo, oo maleeshiyada Al Shabaab ku leeyihiin saldhigyadooda ugu waaweyn, ee ay ka difaacayaan labadaasi magaalo.
Sidoo kale ciidamada ayaa isku fidinaya dhulka hawdka ee dhaca goobaha ay ciidamada ku sii jeedaan, iyadoona meelaha qaarkood laga soo wariyay in isku dhacyo ku dhex mareen labada dhinac.
Ciidanka Xoogga Dalka ee cagta saaray dhulka lama deggaanka ee ku yaala inta u dhaxeyso Baraagta Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey ayaa maanta dagaal culus kula galay maleeshiyada Shabaabka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus ka dib ay ciidamada gudaha u galeen dhulka hawdka, maleeshiyadii ku sugneydna ay ku khasbeen inay u ruqaansadaan dhanka Galhareeri.
Ciidamada Militariga ayaa raacaya qorshaha uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka u dejiyay in marka hore Shabaabka laga wada sifeeyo dhulka miyiga iyo hawdka, ka hor inta aanay afka aaddin magaalooyinka iyo deegaanada uu hawlgalkoodu ku wajahan yahay.
General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay inaysan ciidamadu la wareegi doonin degmooyinka iyo deegaanada la doonayo in laga saaro cadowga, iyadoo ciidamadu aanay Shabaabka hubeysan ka sifeyn dhulka hawdka, si aanay hadhow dib dambe isaga soo abaabulin, weerarana uga gaysan goobaha la xoreeyay, sida marar badanba dhacday.
Qorshaha ayaa ah si loo yareeyo khasaaraha ciidamada in ciidamadu ay geed geed u xaqiijiyaan amniga dhulka miyiga, ka hor inta aanay gudaha u gelin deegaanada iyo magaalooyinka la doonayo in kooxaha argagixisada laga saaro.
Ciidamada ayay tahay in kolka ay gaaraan Ceelbuur iyo Galhareeri inay qaybtood ku baxaan jihooyinka ay Shabaabku uga baxeen magaalooyinkaasi, si halkaasina looga sifeeyo.
Qorshahan ayaa loo arkaa kan ugu muhiimsan ee lagu xasillin karo magaalooyinka iyo deegaanada ay ciidamadu la wareegaan, muddo koobana ay ciidamadu ku wiiqi karaan cududdii Shabaab.


