Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ka socda jiidda waqooyi ee Ceelbuur

Wararka ka imaanaya Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay hawlgalo amni xaqiijin ah ka wadaan deegaanka Wabxo, oo qiyaastii 43km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Ceelbuur.
Ciidamada oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku haynta deegaankaasi ayaa la sheegay in ay hawlgal guri guri ah ka sameynayaan qaybo ka mida xaafadaha deegaankaasi.
Inkastoo inta badan dadka deegaanka ay horaan isaga barakaceen Wabxo, haddana ciidamada ayaa la sheegaya in hawlgalkooda ay ku beegsanayaan cid kasta oo lala xiriiriyo maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay sidoo kale waddooyinka deegaankaasi ka wadaan hawlgal miino baaris ah.
Maleeshiyada Shabaabka ayaa banneeyay deegaankaasi oo ay ku lahaayeen dhufeys weyn, oo qorshahoodu ahaa in ay ka difaacaan Magaalada Ceelbuur.
Wabxo waa marinka ugu weyn ee ay ciidamada ku gaarayaan Ceelbuur, oo Shabaabku ay haatan ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe.
Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la wareegay gacan ku haynta deegaankaasi ayaa la sheegay in cutubyo ka tirsan ay u jiheysteen deegaanka Dac.
Ciidamada ayaa juhdi badani ku bixinaya, sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga waddada Wabxo iyo Dac ee aadda Magaalada Ceelbuur.
Sidoo kale ciidamada ayaa lagu arkayaa waddada xiriirisa deegaanada Wabxo iyo Ceelgorof, qayb kale oo ciidamada ka mid ahna ay gudaha ugu jiraan dhulka hawdka ee u dhaxeeya deegaanadaasi.
Ciidamada ayaa isku dayaya in ay gacan bir ah ku qabtaan amniga deegaanada iyo tuulooyinka ka baxsan Ceelbuur, ka hor inta aanay la wareegin magaaladaasi.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada u dejiyay qorshe dagaal oo ka duwan, qorsheyaashii hore ee lagu wajahayay Shabaabka.


