Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka militari ee ka socdo Galmudug

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si weyn ugu fidaya deegaanada iyo tuulooyinka ku xeeran Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Ceelbuur ku leh saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe, waana mid ahmiyad gaar ah u leh Dowladda Federaalka in maleeshiyadaasi laga saaro magaalada.
Ciidamada ayaa dhowr jiho kaga sii siqaya magaaladaasi, iyadoona uu ujeedkoodu yahay in ay gacan bir ah ku qabtaan amniga deegaanada, dhulka miyga iyo hawdka ee loo arko in maleeshiyada dib isaga soo abaabuli karto.
Ciidamada ayaa la sheegaya in Ceelbuur kaga sii siqayaan jihooyinka waqooyi, bari iyo koonfur.
Ciidamadii magaalada kaga dhaqaaqay dhanka waqooyi ayaa ku sugan aagga deegaanka Dac, iyadoo kuwii dhanka koonfureed kaga baxayna ay gaareen deegaanka Burujeed, halka kuwii Dhuusamareeb ka baxay ay ku sugan yihiin aagga Ceelmeygaag. Ciidamada oo shalay la wareegay deegaanka Ceelmeygaag ayaa maanta dib uga baxay deegaankaasi, iyaga waddo wareeg ah kaga dhaqaaqay dhanka Ceelbuur, waxaana jira ciidamo kale oo weli ku sugan aagga Ceelmeygaag, waxaana la sheegaya in labada ciidan ay go'doominayaan xubno Shabaab ah oo jidka ku jira.
Ciidamada ayaa Isniintii iyo Talaadadii la wareegay deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne, oo muhiim u ahaa joogitaanka Al Shabaab ee Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay miinooyin ka saareen Wabxo, Cowsweyne iyo weliba dhulka ku xeeran, iyagoona kol sii horreysay hawlgal guri guri ah oo amniga lagu xaqiiinayo ka sameeyay deegaanadaasi.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamada qabtay deegaanada mooyee ay jiraan ciidamo kale oo Shabaabka ka raadinaya dhulka fogfog iyo kaymaha.
Ciidamada ayaa u muuqdo kuwo Shabaabka ka fogeynaya dhulka la qabtay, si looga hortaggo in waddooyinka dib ugu soo laabtaan.
Hawlgalkan militari ee ka bilowday Gobolada Dhexe ayaa la doonaya in jiridda loogu siibo Shabaabka Galmudug.


