Wararkii ugu dambeeyay qarax askar ku dhinteen oo ka dhacay Dayniile

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax miino oo maanta Magaalada Muqdisho lagu la eegtay gaari ay la socdeen ciidamada amniga.

Gaarigan oo marayay waddada cusub ee dhawaan laga dhisay Degmada Dayniile ayaa lala eegtay qarax la dhigay waddada dhinaceeda.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay afar askari, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in askarta dhimatay uu ku jiray nin Sarkaal ahaa.

"Qaraxan waxaa ku dhintay saddex askari iyo nin Sarkaal ahaa, oo dhismaha u qaabilsanaa ciidanka. Saraakiisha dhismaha ayuu ka mid ahaa." Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka oo VOA la hadlay ayaa yiri "Waa dabinada cadowga uu u dhigay ayay ka mid tahay qaarkood, laakiin waayahaan aad iyo aad baa looga guuleystay boqolkiiba sideetan (80%), siday horey ahaan jirtay Magaalada Muqdisho way ka fiican tahay."

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, sida ay baahisay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.

Qaraxan ayaa imaanaya, xilli muddooyinkii ugu dambeysay aanay wax qaraxyo ahi ka dhicin Caasimadda Muqdisho, amniga magaaladuna uu ka soo reynayay.