Wararkii ugu dambeeyay Shabaabka lagu go'doomiyay Hirshabelle

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maalintii 11aad ay xaalad go'doon ah wajahayaan maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan inta u dhaxeyso Degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali Fooldheere ee gobolkaasi.

Maleeshiyadan ayaa dhawaan ka soo tallaabtay daanta galbeed ee Webiga Shabelle, si deegaanada Hirshabelle uga gaystaan falal amni darro.

Ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay dhanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo duqaymaha dhinaca cirka ee diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, maleeshiyada Shabaabka ayaa galay godad ay kol horeba ka sii qoteen dhulka beeraha ee Ciid Ciidka ama Jimbilow.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay miinooyin ku aaseen goobaha ku dhow dhow godadkaasi, tiiyoo cusleysay in ciidamadu ay si dhakhsa ah u soo afjaraan maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada iyo maleeshiyadaasi uu Isniintii dagaal culus ku dhex maray dhul beereedyada ay maleeshiyada ka dhex dagaalameyso.

Agaasimihii Amniga ee Degmada Mahadaay, Cabdi Maxamuud Cali iyo nin askari ahaa ayaa la sheegay inay shalay ku geeriyoodeen qarax ay Shabaabku dhigeen goob ku dhow mid ka mid ah godadka ay qaarka hoose kula jiraan.

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay, Saalax Axmed Abuukar ayaa sheegay in ciidamadu ay isku dayayaan in ay hoobiyeyaal ku burburiyaan godadkaasi ay Shabaabku gabaadka ka dhigteen.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay jiraan xubno badan oo maleeshiyadaasi ka tirsan oo dagaalka lagu dilay, isla-markaana ay meydadkooda ku qurmeen halkaasi.

Abaanduulaha Guutada 4aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Bashiir Xaaji Mukhtaar Axmed (Sitey) ayaa sheegay in ciidamadu ay si weyn u go'doomiyeen maleeshiyadaasi.

"Maleeshiyadu waa naf la caari, waana nimankaad ogayd ee dhagarta badnaa, saacadaha soo socda waa laga saaraya deegaanka, haddii Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Abaanduulaha.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiya ayaa sii wada duqaymaha dhinaca hawada ee ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Shabaabka oo aan doonayn inay dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen ayaa ku mintidaya, sidii ay halkaasi u sii joogi lahaayeen.

Kaynta Cali Fooldheere ee dacalka ku haysa webiga iyo beeraha Jimbilow ayaa lagu sheegay dhul ku wanaagsan gabaadka, Shabaabkana ay ka caawineyso in ay ka soo qaadaan weerarada gaadmada ah, waana sababta ay ciidamadu diiradda u saarayaan, sidii ay halkaasi uga saari lahaayeen.

Ma cadda goorta ciidamada ku hareereysan godadkaasi ay soo afjari doonaan hawlgalka ay aaggaasi ka wadaan.