Wararkii ugu dambeeyay weerarada ka dhacay Gobolada Jubbada Hoose iyo Hiiraan

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weeraro maleeshiyada Al Shabaab ay saakay ku qaadeen xeryo ciidamada ku leeyihiin Gobolada Hiiraan iyo Jubbada Hoose.

Xoogag ka tirsan Shabaabka ayaa waqti isku mida weeraray xeryahan, oo ku kala yaala deegaanada Baardheere ee Gobolka Hiiraan iyo Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. Baardheere ayaa hoostagta Magaalada Beledweyne, halka Baar Sanguuni ay hoostagto Magaalada Kismaayo.

Shabaabka oo ka soo gudbay dhanka galbeed ee Webiga Shabelle ayaa weerar xoogan ku ekeeyay xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin deegaankaasi Baardheere. Ciidamada ayaa la sheegay in ay si weyn isaga caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamdu ay Shabaabku ku khasbeen in ay dib u gurtaan, qaarkood ayaa la sheegay inay buuraha fuuleen, balse intoodii badneyd ay webiga uga tallaabeen doomihii ay wateen. Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in gaari ay la socdeen ciidan ku daba jiray firxadka maleeshiyadaasi uu qarax haleelay, isla-markaana ay goobtaasi ku geeriyoodeen illaa lix askari.

Shabaabka ayaa sidoo kale weerar uu qarax xoogan ku bilowday ku qaaday xerada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin Baar Sanguuni, waxaana la soo wariyay labada dhinac in halkaasi uu ku dhex maray dagaal culus.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee weeraradaasi ka dhashay, balse Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegay in weerarka ka dhacay Baardheere ay ku dileen 15 ka mid ah Ciidamada Dowladda iyo xoogaga Macawiisleyda, isla-markaana ay muddo kooban gacanta ku hayeen xeradaasi.

Shabaabka ayaa sidoo kale sheegay in weerarka ka dhacay Baar Sanguuni ay ku dileen toddobo iyo toban askari, muddo koobana ay la wareegeen xerada ciidamada. Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta sheegashada Al Shabaab.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, Maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle ayaan weli ka hadlin labada weerar ee aroornimadii hore ee saakay ka dhacay Jubbooyinka iyo Hiiraan.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan xeryaha ciidamada, ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay dhanka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo qabaa'ilada ku dhiiraday in ay iska dulqaadaan, waxa ay madaxdu ku sheegeen Khawaarijta.