Wararkii ugu dambeeyay weerarka Shabaab ku qaadeen Hotel Pearl Beach ee Muqdisho
Xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa xalay weeraray Hotel Pearl Beach ee Magaalada Muqdisho, xilli dad fara-badan ay nasiino u joogeen.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday qarax ka dhashay nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha oo afaafka hore ee hotelkaasi isku qarxiyay, intaasi ka dibna ay dabley hubeysan gudaha u gashay hotelkaasi.
Ciidamada amniga oo goobtaasi isku gadaamay ayaa xiray dhammaanba waddooyinka ku dhow dhow, iyadoona ay ciidamadu isku dayayaan inay weerarkaasi soo afjaraan.
Pearl Beach oo isugu jira hotel iyo maqaaxi laga cunteeyo ayaa ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.
Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri "Geesiyaasha ciidanka amniga ayaa wada hawlgal ay ku soo afjarayaan maleeshiyaad Khawaarij ah oo weerar naf la caari ah ku soo qaadey dad shacab ah oo nasiino u joogay hotel ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada amniga ayaa dad badan oo shacab ah ka soo badbaadiyay goobta, hawlgalka ayaana weli socda, iyadoona uu goobta joogo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Macalin Mahdi oo Hawgalka hoggaaminaya."
Sidoo kale waxaa agagaarka goobta ku sugan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka, Dr. Maxamed Xasan Maxamed (Buraale) iyo Shaqaalaha Gurmadka Degdegga.
Al Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.
Waa weerarkii labaad ee ay Shabaabku sanadkan gudihiisa ka gaystaan Caasimadda Muqdisho. 22-kii bishii January ayuu weerar ismiidaamin ku bilowday ka gaysteen Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii ugu dambeysay is bedel weyn oo dhanka amniga ah laga dareemay magaalada, taas oo shacabkuna ay soo dhaweeyeen.








