Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cakiran ee ka taagan Degmada Jalalaqsi
Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad aad u kacsan ay ka jirto Degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi, ka dib markii ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalka oo Khamiistii ka qarxay degmada ayaa soo gaaray Jimcahan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amniga iyo masuuliyiinta degmadaasi.
Dagaalkan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kalena ay rabshaduhu sababeen in guryo la gubo.
Duqa Degmada Jalalaqsi, Maxamed Xaaji Nuur Cumar ayaa sheegay in in ka badan 10 qof ay ku dhinteen dagaalka, 20 kalena ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah, sida uu yiri.
"Wixii raashiin guryaha ku jiray waa la gubay, guryihii waa la gubay. Dhibaato weyn ayaa meesha ka dhacday." Ayuu yiri Duqa Jalalaqsi.
Duqa Jalalaqsi ayaa galabta Warbaahinta Shabelle u sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay carro ka dhalatay saddex nin oo afar habeen ka hor gabar ku kufsaday magaalada, isla-markaana ay beesha gabadha u cuntami weysay odayaasha beesha ay raggaasi ka dhasheen oo ka dalbaday inay soo caddeeyaan kufsigeeda, taasna ay keentay in fal kale oo kufsi ah ay kaga aargutaan.
"Dee wiil meel kasta waa joogaa, iyagana wiil baa baxay oo gabar beesha kale ah ayuu kufsaday, arrintu meeshay ka bilaabatay." Ayuu yiri Duqa Jalalaqsi.
Rabshadahan ka soo cusboonaaday Jalalaqsi ayaa xaaladda magaalada ka dhigay mid cakiran, taas oo xaddiday isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee qaybaha magaalada, gaar ahaan xaafadaha galbeedka.
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda.
"Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Jalalaqsi, waana cambaareynayaa nooc kasta oo cunfi iyo colaad abuur ah. Dadka waa walaalo aan sinnaba u kala tagi karin. Ha la joojiyo dhiilada colaadda, Allana ha laga baqo." Ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.
Xildhibaan Caanooy ayaa isna yiri "Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dhammaan shacabka degmada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan waxgaradka bulshada in ay ka shaqeeyaan daminta colaadda, ilaalinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta."
Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) iyo Saraakiisha Saldhigga Booliska ay wadaan dadaalo lagu kala dhex gelayo labada maleeshiyo, iyadoo la kaashanayo Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee degan degmadaasi.
Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM ayaa xero ciidan ku leh Jalalaqsi.




