Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Degmada Ceelbarde oo kacsan

Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in weli ay xaalad kacsanaan leh ka jirto degmadaasi, ka dib dagaal xoogan oo shalay ka dhacay degmadaasi ku taala xuduudda.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ka gadaal markii nin askari ahaa lagu dilay bartamaha Ceelbarde.

Dagaalka oo shalay degmadaasi ka qarxay 1-dii duhurnimo ayaa soo gaaray 4-tii galabnimo, iyadoona uu dagaalku si iskiis ah u istaagay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada ciidan ay weli is horfadhiyaan magaalada, cid kala dhex gashay aanay illaa iyo hadda jirin, dadkuna ay ka baqdin qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo.

Inta la xaqiijiyay sagaal qof oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintay dagaalka, halka toban kalena ay ku dhaawacantay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada is horfadhiya ay u abaabulan yihiin qaab beeleed, waana xilli maalmihii ugu dambeysay uu magaalada ka jiray khilaaf ka dhashay is bedel ay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku sameysay hoggaanka maamulkii degmada.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan wax wara ka soo saarin xiisadda maalintii labaad laga soo sheegayo Ceelbarde.

Xiisaddan ayaa imaanaysa, xilli Koonfur Galbeed ay Ceelbarde ka waday abaabul loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, kaas oo ujeedkiisu ahaa in lagaga saaro Degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure ee gobolkaasi.