Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Magaalada Beledweyne

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa u muuqato mid ka sii dareysa, ka dib markii Webiga Shabelle uu si weyn ugu fatahay toddobaadkii hore.

Dhammaanba qoysaskii deganaa labada daamood ee magaalada ayaa ka barakacay, kuwaa oo xaalad nolol xumo ku wajahaya duleedyada magaaladaasi.

Ardayda wax ka barata Dugsiyada Hoose/dhexe ee Beledweyne ayaan Sabtidii u fariisan imtixaanka sanadlaha ee ay qaaddo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, xilli imtixaanku uu shalay si rasmi ah uga bilowday deegaanada Hirshabelle.

Maamulaha Dugsida Sare Mujamac Tiiba Tacliim ee Baledweyne, Cabdullaahi Xasan Barkhadle ayaa sheegay in fatahaaddu ay saameysay goobaha waxbarashada ee magaaladaasi. Barkhadle ayaa xusay in ku dhow konton kun oo arday in la qorsheeyay in imtixaanku ku galaan magaalada, balse uu dib u dhac ku yimid.

Gudoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle oo Sabtidii gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa sheegay in magaaladu ay wajaheyso fatahaaddii ugu darneyd, intii muddo ahba.

"Beledweyne waxaa ka jirta fatahaad aan soo marin, sida la ii sheegay xilliyo dheer. Magaalada waxaa iskugu darsamay roobkii ka da'ay gobolka iyo biyihii webiga keenay ee ka yimid buuraha Itoobiya." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa yiri "Magaalada markii hore biyuhu waa geli jireen oo qayb bay ka geli jireen, laakiin hadda meel u fiyow ma leh."

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in wafdiga uu hoggaaminayo ay Beledweyne u taggeen, si ay xaaladda u qiimeeyaan, ka dibna ay gurmadka bani'aadanimo u gaarsiiyaan qoysaska ku barakacay duleedyada magaaladaasi.

"Indhaheenna waxaan ku aragnay dadkii inay magaalada daafaheeda daadsan yihiin, inaysan hoy haysan, iyagoo biyuhu barakaciyeen haddana inay biyo la'aan yihiin, cunnaddii iyo wax alaala iyo wixii ay haysteen inay uga soo taggeen magaalada, in xitaa halis ay jirto oo dhimasho ah oo dadkii waayeelada ahaa iyo dadkii kale ee liitay ee la kari waayay in la soo qaado." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dadka reer Beledweyne ay maanta u baahan yihiin in gargaar bani'aadanimo la soo gaarsiiyo, si baahida jirta loo daboolo.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tan iyo Isniintii ku sugan Beledweyne, isagoona ka wada kulamo gurmadka lagu gaarsiinayo dadka ka barakacay magaaladaasi.