Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug

Galmudug ayaa waxaa weli ka taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ee salka ku haysa hannaanka maamulka iyo doorashada lagu wado inay ka qabsoomto deegaanada Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb oo xudun u ah khilaafka labada dhinac ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ciidan, iyadoona ay garab socdaan dadaalada lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada, si looga hortago isku dhac hubeysan.
Odayaasha iyo waxgaradka reer Dhuusamareeb oo hormuud ka ah dadaalada socda ayaa ka biyo diidan in lagu dagaalamo magaalada, waxayna dalbanayaan in khilaafka siyaasadeed uu bar dhamaadkiisu noqdo in wada hadal lagaga heshiiyo, oo aanu noqon mid colaad ka huriya magaaladaasi. Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa Villa Somalia ku cadaadinaya in Galmudug laga qabto doorasho daahfuran, xor iyo xalaal ah, isla-markaana ay si siman ugu tartami karaan saamileyda Galmudug oo dhan.
Inkasta oo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu aqbalay in khilaafka lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed, haddana waxa uu ka feejigan yahay in weerar uga yimaado Ciidamada Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo isugu jira Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, isla-markaana taageersan Madaxweyne Qoorqoor ay keeb-la-yuurar ku yihiin meelo ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb.
Tani ayaa lagu sheegay xaalad heegan ah iyo ka hortag khatar amni oo ka dhan ah Madaxtooyada Galmudug, maadaama aysan jirin meel ay Dowladda Federaalka uga tanaasushay is bedelka siyaasadeed ee ay damacsan tahay inay ka sameyso Dowlad Goboleedka Gaalmudug.
Saraakiisha Madaxtooyada Galmudug ayaa laga soo xigtay in Ciidanka Galmudug aysan noqon doonin, kuwa xabadda ugu horreysa ka rida magaalada, balse haddii lagu soo gardarroodo ay si adag u difaaci doonaan maamulka.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa dabri kara farriimaha is daba jooga ah ee uga imanaya odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Dhuusamareeb iyo guud ahaanba beelaha Galmudug ee looga dalbanayo in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara gacan ka hadal, qalqal amni iyo koror xiisadeed.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu fahamsan yahay in xaaladda Galmudug ay adkaan doonto, haddii doorasho aan lagu wada qanacsaneyn laga qabto gudaha Galmudug.
Hoggaamiyeyaasha bulshada Galmudug ayaa ka hadlaya in xalka Galmudug iyo wadajirka dadka deegaanka uu yahay doorasho heshiis lagu yahay, si hoggaanka loola kala wareego si nabdoon.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Universaltv u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wado wadatashi ku aaddan arrimaha Galmudug.
Xaaladda Galmudug ayaa ah mid ay si aad ah isha ugu hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Galmudug.


