Wararkii ugu dambeeyay xiisadda siyaasadeed ee Puntland

Iyadoo uu meel adag gaaray khilaafka u dhaxeeya Madaxtooyada Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa waxaa soo xoogeysanaya baaqyada dhinacyadaasi loogu jeedinayo in ay wada hadlaan, si miiska wada hadalka loogu dhameeyo khilaafka jira.
Khilaafkoodan ayaa salka ku haya hannaanka geeddi-socodka ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 25-ka bishan lagu wado in ay ka qabsoomto Gobolada Bariga Puntland, waana markii ugu horreysay oo Puntland ay goboladaasi ka qabaneyso doorasho qof iyo cod ah. Siyaasiyiinta deegaanka ayaa ku doodaya inaanan doorashadani heshiis lagu ahayn, isla-markaana la joogo xilligii laga wada hadli lahaa Doorashada Madaxtooyada ee horaanta sanadka soo socdo ka dhici doonto Puntland.
Khilaafkan ayaa xiisad ka abuuray Magaalada Garoowe, iyadoona duleedka Garoowe ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan maamulka iyo siyaasiyiinta qaarkood.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo aad mooddo inaanu wax dheg jalaq ah u siinin khilaafkaasi ayaa haatan ku guda jira socdaal uu ku marayo Gobolada Karkaar iyo Bari, waana mid uu ku xoojinayo qabsoomidda doorashada qofka iyo codka ee lagu tijaabinayo Goleyaasha Deegaanka, mustaqbalkuna uu qorshuhu yahay in loogu weeciyo midda guud ee maamulka.
Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, ganacsatada iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu qaboojiyo xiisadda ka taagan Magaalada Garoowe.
Dhinacyadan ayaa Madaxtooyada Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ka dalbaday in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, tani oo ay u arkaan midda qura ee looga gudbi karo is mari-waaga siyaasadeed ee jira.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Sool ayaa mar sii horreysay sheegay in ay odayaashu la wareegeen dhexdhexaadinta Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, ee isu diidan dhabaha loo marayo doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Puntland.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa tilmaamay inaanan xasaasiyad badan laga qabin Doorashada Goleyaasha Deegaanka, balse ay siyaasiyiintu durayaan qaabka loo wajahayo Doorashada Madaxtooyada oo aysan kala caddeyn, bacdamaa ay billo uun u harsan yihiin Madaxweyne Deni.
Garaad Jaamac oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhinacyada ugu yeeray in ay wada hadal isugu yimaadaan, marka la qabto Doorashada Goleyaasha Deegaanka.
"Marka Golaha Deegaanku inaga dhammaado, waxaynu u gudbaynaa taladii labaad oo nolosheenna, deegaankeenna iyo dadkeenna aynu ku badbaadin lahayn, nin diidi karana ma jiro." Ayuu yiri Garaad Jaamac.
Xiisaddan siyaasadeed ee ka taagan Puntland ayaa imaanaysa, xilli Madaxda Dowladda Federaalka ay ka diggeen in la suurad xumeeyo mustaqbalka maamulka iyo dadka reer Puntland.


