Wararkii ugu dambeeyay Xoogaga RSF-ta Suudaan oo xoog ku galay Safaaradda Somaliya ee Khartoum
Xoogaga RSF-ta Suudaan ee uu hoggaamiyo General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa xalay xoog ku galay Xarunta Safaaradda Somaliya ee Magaalada Khartoum.
Safiirka Somaliya ee Suudaan, Danjire Maxamed Sheekh Isaaq ayaa xaqiijiyay in Xoogaga RFS ay jebiyeen dhammaanba albaabada iyo xafiisyada Safaaradda.
Goor sii horreysay ayaa waxaa soo baxay in xoogagaasi ay bililiqeysteen Dhismaha Safaaradda, hase yeeshee Danjire Maxamed Sheekh Isaaq ayaa sheegay inaanan Safaaradda waxba laga qaadan.
Safiirka ayaa iftiimiyay inaanay xoogagaasi wax qalab ahi ka qaadan Safaaradda Khartoum, isla-markaana aanay Safaaradda ka helin agabyo fudud.
Safiirka ayaa tibaaxay in Safaaradda loo galay in laga qaato waxyaabaha fudfudud, sida lacag iyo dahab, balse aanay xoogagaasi ka helin, isla-markaana aanay horey u sii qaadan agabyadii kale ee yiilay Safaaradda, sida qalabkii ay ku shaqeynayeen.
"Uma suurtagelin inay ka qaataan wax qiimo badan, sida muuqatana waxay raadinayeen waxyaabaha fudud, sida lacag ama dahab wax noocaasoo kale ah inay ka qaataan meeshaasi." Ayuu yiri Safiirka.
Safaaradda ayaa ku taala goob ay gacanta ku hayaan Xoogaga RSF ee dagaalka kula jira Ciidanka Militariga Suudaan, ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan.
Danjire Maxamed Sheekh Isaaq, Safiirka Somaliya ee dalka Suudaan ayaa caddeeyay inaanu weerarkan ku koobnayn Safaaradda Soomaaliyeed oo keliya, balse ay xoogagaas horey u galeen Safaaradaha shisheeye ee ku yaala Caasimadda Khartoum.
"Keligeen ma ahan, Safaarado badan oo ayada ka horreyay ayaa la galay, guryo badan oo Safiirro ayaa la galay, haddana waxaa la ii xaqiijiyay in la galay guriga Safiirka Jabuuti." Ayuu yiri Danjira Maxamed Sheekh Isaaq oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.
Suudaan ayaa wajaheysay xaalad aad u adag, tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay 15-kii bishii hore ee April.
Dagaalkan ayaa ah mid u dhaxeeya labada janaraal ee ugu awoodda badan ciidamada dalkaasi.



