Wararkii ugu dambeeyeeyay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland ee Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcihii booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland.
Qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Somaliya iyo Finland, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha faa’iidada u leh labada dalka.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu yiri "Finland waa saaxiib muhiim u ah horumarka Somaliya."
Ilo wareedyo ayaase sheegaya in kulanka looga hadlay hannaanka siyaasadda & nabadda Somaliya iyo Geeska Afrika, Arrimaha Deegaanka & Isbedelka Cimilada iyo duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland uu soo jeediyay in la bilaabo wada tashiyo siyaasadeed, oo u dhaxeeya Somaliya iyo Finland.
Kulanka waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) iyo Wasiirka Deegaanka & Isbedelka Cimilada, Khadiijo Maxamed Almakhzoumi.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland ayaa saxiixay heshiis is afgarad ah, oo dhex maray Wasaaradaha Deegaanka ee Somaliya iyo Finland. Labada dal ayaa ku heshiiyay in si dhow looga jawaabo isbedelka cimilada, dhibaatooyinka deegaanka & wasakhowga iyo in la xoojiyo awoodda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliya, oo sanadkii hore la aasaasay.
Wasiir Haavisto ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho waxa uu la kulmay Saraakiil reer Finland ah, oo Somaliya uga shaqeeya hawlgalada maareynta xasaradaha ee Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey.
Haavisto ayaa sidoo kale waxa uu la kulmay xubno ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, oo sanadihii ugu dambeeyay dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho.















