Warbaahinta Sacuudiga oo xaqiijisay in hal mar la gubay

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Khamiistan ku warantay in markab shidaal oo Sacuudiga uu leeyahay la gubay, xilli uu ku socdaalayay Badda Cas.
Wakaaladda Wararka SPA oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka ayaa sheegtay in weerarku uu sababay in dab ka kaco qaybta hore ee markabka.
SPA ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii saarnaa markabka ENCELA (ENCELIA) ay badqabaan, isla-markaana ay masuuliyiintu qaadeen tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo sugo amniga markabka iyo shaqaalaha, loona ilaaliyo deegaanka badda.
Tani ayaa imaneysa, iyadoo Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen inay gubeen laba markab oo shidaal oo laga leeyahay Sacuudiga, ka dib markii ay ku xadgudbeen go'doominta badda ee ka dhanka ah Sacuudiga.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay inay Arbacadii gantaalo iyo drones ku weerareen laba markab, oo mid ka mid ah maraakiibtaasi lagu magacaabo ENCELA, iyadoo laga hortagayo jebinta maraakiibta ee cunaqabataynta ay ku soo rogeen Sacuudiga.
Hawlgalada ay Xuutiyiinta ka bilaabeen Badda Cas ayaa sare u qaadeysa xiisadda Bariga Dhexe, waana xilli Mareykanku uu sii wado duqaymaha uu ku hayo bartilmaameedyada gudaha Iran, isla-markaana ay Ciidamada Iran weeraro aargudasho ah ka gaysanayaan dalalka gobolka qaarkood, gaar ahaan kuwa Carabta ee ay ku yaallaan saldhigyada militari ee Mareykanka.


