Xuutiyiinta Yemen oo maraakiibta Sacuudiga ka mamnuucay Badda Cas iyo Bab El-Mandeb

Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay go'aan ay maraakiibta Sacuudiga uga mamnuucayaan inay adeegsadaan Badda Cas iyo Bab El-Mandeb.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ku dhawaaqay cunaqabatayn iyo xayiraad dhanka badda oo ka dhan ah Boqortooyada Sacuudiga.
Afhayeenka ayaa sheegay in maraakiibta ku sii jeeda ama ka imanaya Dekedaha Sacuudiga aysan isticmaali karin Badda Cas iyo marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Go'aankan ayaa jawaab u ah weerar dhinaca cirka ah oo 13-kii bishan lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Sanca ee Yemen, xilli lagu waday in ay ka degato diyaarad ka timid dhinaca Iran.
Xafiiska Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa masuuliyadda weerarkaasi dusha kaga tuuray Sacuudiga, isla-markaana uu weli wado qorshihiisa uu ku xanibayo garoonkaasi.
General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta ayaa Isniintii eedeymahaasi ku xoojiyay in Sacuudigu uu xanibaad ku hayo dekedo ku yaaa Waqooyiga Yemen.
Afhayeenka ayaa tallaabada lagu mamnuucay in maraakiibta Sacuudiga ay adeegsadaan Badda Cas iyo Bab El-Mandeb ku tilmaamay mid isla eg (caddaalad ku dhisan isu dheelitirnaan) oo dhaqan gelaysa isla markiiba.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciqaab kasta ay mabda' ahaan leedahay wax u dhigma, oo aan ka darnayn ama ka fududayn dhibkii asalka ahaa.
Badda Cas ayaa ahayd marinka keliya ee xilligan u furnaa maraakiibta shidaalka ka qaada Dekedaha Sacuudiga, marka aad eegto in Iran ay 12-kii bishan xirtay marin biyoodka Hormuz ee dhinaca kale ku yaala maalmo ka dib, markii ay dib u soo cusboonaatay xiisadda kala dhaxeysa Mareykanka.
Guud ahaan shidaalka ka gudba Badda Cas iyo qaybta kale ee la sii marsiiyo Bab El-Mandeb ayaa muhiim u ah dhaqaalaha iyo tamarta adduunka, maadaama uu soo gaabiyo waqtiga safarka maraakiibta ee u dhaxeeya Qaaradaha Aasiya (Asia) iyo Yurub.


