Go'doominta Xuutiyiinta Yemen ee Dekedaha Sacuudiga oo dhawaacaya dhaqaalaha dalkaasi

Xuutiyiinta Yemen ayaa Isniintii maraakiibta Sacuudiga ka mamnuucay inay isugu gooshaan waddada Badda Cas iyo Bab El-Mandeb, iyadoona go'aanka uu dhaqangalay isla xilligii lagu dhawaaqay, sida uu sheegay Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree.
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa 24-kii saac ee u dambeysay tiro maraakiib ah ka celiyay inay ka gudbaan marinka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sacuudiga ayaa leh dekedo istiraatiiji ah oo saaran xeebaha Badda Cas, kuwaas oo isugu jira kuwo qaada shidaalka, badeecadaha ganacsiga, xujeyda iyo dalxiiseyaasha.
Dekedaha istiraatiijiga ah ee Sacuudiga waa marinada muhiimka ah ee boqortooyada ay u isticmaasho dhoofinta shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah, kuwaas oo fure u ah qorshaha Riyadh ee hiigsiga 2030, oo ah qorshe uu wado Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman oo lagu casriyeynayo dalka, la ballaariyo dhaqaalihiisa, laguna dhiirado in la yareeyo ku tiirsanaanta shidaalka, iyadoo la soo jiidanayo dalxiiseyaasha iyo maalgashiga shisheeye.
Dekedda Islaamiga ah ee Jeddah (Jeddah Islamic Port) ayaa ah tan ugu weyn, uguna mashquulka badan dalka, waxayna qayb weyn ka qaadataa kobaca dhaqaalaha ee boqortooyada, iyadoo Dekedda Ganacsiga ee Yanbu (Yanbu Commercial Port) ay tahay mid ka mid ah dekedaha ugu facaweyn, waana marinka ugu weyn ee xamuulka guud iyo marin muhiim ah oo ay adeegsadaan dalxiiseyaasha, xujeyda iyo dadka u socda magaalada barakeysan ee Madiina, waana xarun dhexe oo u adeegta Magaalooyinka Madiina iyo Buraydah ee Gobolka Qassim.
Magaalada Yanbu ayaa waxay leedahay deked labaad, waana Dekedda Warshadaha ee King Fahad (King Fahd Industrial Port), taasoo ah xarunta ugu weyn ee dhoofinta shidaalka ceyriinka iyo kiimikooyinka laga sameeyo batroolka, waxayna ku taal Badda Cas. Dekeddan ayaa waxay isku xirtaa waddooyinka ganacsiga caalamiga ah ee u dhaxeeya Bariga Fog, Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.
Ka dib markii uu xumaaday dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee Marinka Hormuz, Sacuudiga ayaa shidaalkiisii marayay Hormuz u soo weeciyay in laga dhoofiyo Dekedda King Fahad ee Yanbu, si uu uga baxsado xanibaadda Iran ee Hormuz, waxaana maalin kasta dekeddaasi laga dhoofinayay illaa 4 milyan oo fuuto. Si kastaba ha ahaatee xaaladda ayaa hadda is bedeshay, bacdamaa Xuutiyiinta Yemen ay ku dhawaaqeen xayiraad dhanka badda oo dalkaasi ah.
Sacuudiga waa dalka ugu weyn Khaliijka ee dhoofiya shidaalka ugu badan, waana dalka ugu weyn Gobolka Bariga Dhexe ee wax ka soo iibsada dibadda, waana dalka leh dhaqaalaha ugu weyn (Total GDP) guud ahaan gobolka.
Dekedaha Sacuudiga ee Badda Cas waxay udub dhexaad u yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo dhoofinta shidaalka. Xayiraad kasta oo lagu soo rogo maraakiibta ku wajahan ama ka imaanaya dekedahaasi ee ka gudba Marinka Bab El-Mandeb ayaa halis gelinaya dhoofinta shidaalka boqortooyada ee inta badan halkaasi laga dhoofiyo iyo ganacsiga kale ee dibadda uga yimaada.
Marinka Bab Al-Mandeb, oo ah albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas ayaa ahaa marin halbowle ah oo u furnaa maraakiibta shidaalka ka qaada iyo kuwa kale ee badeecadaha ganaciga geeya Dekedaha Sacuudiga.
Bab El-Mandeb ayaa waxaa mara qayb weyn oo ka mid ah shidaalka boqortooyada ee u gudba dhanka Asia, oo laga xusi karo Shiinaha, Japan iyo India.
Go'doominta Xuutiyiinta Yemen ee Dekedaha Sacuudiga ayaa si xun u dhaawacaya dhaqaalaha boqortooyada, marka aad eegto in uu xanibaayo shidaalka laga dhoofiyo ama ganacsiga ku socda dalkaasi.
Xaaladdan cusub ayaa waxay qalqal-gelineysaa dhoofinta shidaalka iyo ganacsiga labada dhinac.


