Wariyeyaasha Baydhabo oo wajahaya hanjabaado isku dhafan

Wariyeyaasha ka hawlgala Magaalada Baydhabo ayaa wajahaya cadaadisyo iyo hanjabaado isku dhufan oo uga imanaya dhinacyada isku haya awoodda iyo siyaasadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Ka dib weerarkii ugu dambeeyay ee ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay 3-dii bishan ka gaysteen magaaladaasi ayaa waxaa aad u kordhay tallaabooyinka ay qaadayaan maamulka cusub ee Koonfur Galbeed iyo hoggaankii hore ee Wariyeyaasha loogu sheegayo inay qaataan khadka dacaayadda ee dhinac kasta, oo ah inay wararka u tebiyaan sida ay doonayaan, taas oo ka horimaaneysa habka dhexdhexaadnimada ee shaqada Warbaahinta.
Tebin kasta oo dhexdhexaad ah ayaa mararka qaar loo tarjumaa mid u adeegeysa dhinaca kale, tani oo ka carreysiineysa garabka kale.
Wariyeyaasha ayaa kuu sheegaya in ay la kulmaan caga-juglayn loogu sheegayo in tallaabo adag laga qaadi doono, haddii aanay qaadan awaamiirtooda.
"Dhacdo ka dhacday magaalada oo aad warbixin ka diyaarisay ayay ka daawanayaan Warbaahinta ama baraha bulshada. Garab ka mid ah labada dhinac ayaa kaa soo wacaaya moobeelkaaga, wuxuuna kuugu handadayaa inay khalad sameysay, mar kalena aaddan sidaan oo kale uga hadli karin oo aad tiraahdaa waa sidaas oo asaga sida uu rabo ah. Ma arkaysaa waa faafreeb cad oo lagu sameynayo madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada Wariyaha." Ayuu yiri Wariye ku sugan Baydhabo oo ka gaabsaday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta.
Saxafigan ayaa Universaltv u sheegay in Wariyeyaasha lagu khasbayo inay warbixinta uga hadlaan hab si toos ah oo dhinac u xaglineysa, isagoo intaasi ku daray in tani ay tahay culeys dhab ah oo ka dhashay shaqadaada Saxafiga ah.
Waxaa jira magacyo iyo ereyo khalafsan oo dhinacyada uu mid kastaba ugu yeero kan kale, taasoo Wariyeyaasha la faro inay qaataan.
Saxafi kale oo degan Baydhabo ayaa sheegay in Wariyeyaasha ay ku gowracan yihiin inay adeegsadaan weerahaasi, oo ay ka mid yihiin Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal, Salbalaar iyo Afbalaar.
Garabyada hubeysan ee ku loolamaya awoodda maamulka, waxay qolo kastaba isku daydaa inay xakameyso socodka wararka, gaar ahaan dagaalada ka dhaca duleedka iyo gudaha magaalada, iyadoo uuna culeyska ugu weyn ka dhasho tebinta guulaha la kala sheeganayo iyo khasaaraha.
Amniga iyo xorriyadda Wariyeyaasha ka hawlgala Baydhabo ayaa hadda ku sugan marxalad aad u halis ah.


