Wasaaradaha Xukuumadda oo ku tartamaya taageerada Ciidanka Xasillinta Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka ay ku tartamayaan garab istaaga Ciidanka Xasillinta ee Magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga oo maanta laba neef oo geela kala wareegay Wasiirka Ganacsiga, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sheegay in wasaarad kasta lagu qoray in laba neef oo geela ku taageerto ciidamada, oo uu ku ammaanay kuwo wax badan ka qabtay xaaladda amni ee caasimadda.

"Waxay ka dhigan tahay in loo abaalgudo wiilasheena xasillinaya caasimadda, oo runtii wax muuqdo oo la taaban karo bishii Ramadan illaa hadda sameeyay." Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga.

Wasiir Xagaa oo ka hadlayay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa yiri "Dhammaan 25-ka wasaaradood iyo Xafiiska Raysal Wasaare Kuxigeenka, waxaa lagu qoray min laba neef, marka labadani waa labadii ugu horreysay, waxaana ugu soo hormartay Wasaaradda Ganacsiga."

Waxa uu intaa ku daray "Sidaasi darteed, waxaan ugu baaqaynaa wasaaradaha kalena inay ayaguna soo bilaabaan berri wixii ka dambeeyo, si joogto ahna ciidanka loogu taakuleeyo."

Amniga Muqdisho ayaad mooddaa inuu ka soo reynayo, tan iyo markii ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal badani ku bixineyso, sidii ay gacan bir ah ugu qaban laheyd amniga Caasimadda Muqdisho.