Wasaaradda Amniga oo soo saartay awaamiir lagu adkeynayo ammaanka Muqdisho

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Somaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo lagu adkeynayo ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo awaamiirtan ay si gaar ah u taabaneyso masuuliyiinta ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in laga bilaabo 5-ta bisha soo socota ee March aan la ogolaan doonin masuul wata gaari aan taargo lahayn, sababtu tahay si looga hortago in kooxaha argagixisada aysan ugu adeegsan falal amni darro.

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka laga rajeynayo in ay hay'adaha ammaanka ku gacan siin doonaan gudashada waajibaadkooda shaqo.

Awaamiirta ayaa dhaqangeli doonto, inta lagu jiro tobanka dhexe ee bishan barakaysan ee Ramadan, waxayna tani imaneysaa, iyadoo laamaha amnigu ay sare u qaadeen heerka feejignaantooda.

Bishan oo ah bisha ugu fadliga badan ee billaha Islaamka, isla-markaana ay dadku sooman yihiin ayaa waxaa haddana kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama looga bartay in ay kordhiyaan weeraradooda.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Somaliya oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadineysa u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan siinta shaqadooda ayaa dhanka kale masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda ku wargelinaysa xoojinta habraacyada amniga gaadiidka, si looga hortago isku dayada naf la caariga ah ee kooxaha Khawaarijta.

Iyadoo la dardargelinayo dadaalada joogtada ah ee hay'adaha amniga ay ku bixinayaan ilaalinta amniga iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed iyo ka hortagga falalka foosha xun ee Khawaarijta, wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta dowladda, Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Xubnaha Golaha Wasiirada in laga bilaabo 5-ta Maarso 2026 aan la ogolaan doonin masuul wata gaari aan lahayn taargo rasmi ah.

Masuuliyiinta ka tirsan hay'adaha dowladda iyo goleyaasha kala duwan ee kor ku xusan, waxaa laga rajeynayaa in ay hay'adaha amniga ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan hubinta, diiwaangelinta iyo nidaaminta gaadiidka rasmiga ah.

Qaadashada taargada gaadiidka waa waajib sharci ah oo saaran qof kasta oo wata nooc kasta oo gaadiid ah, waxayna ciidamada ammaanka u sahleysaa fulinta howlaha xaqiijinta amniga iyo kala soocidda gaadiidka.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale adkeynaysaa muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta bulshada iyo hay'adaha amniga, si loo xaqiijiyo xasilloonida, kala dambeynta iyo badqabka guud ee dalka.