Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadashay Ciidamada General Jimcaale ee gaaray Laascaanood
Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa war ka soo saartay ciidamada uu wato General Jimcaale Jaamac Takar ee maanta gaaray Magaalada Laascaanood ee Xarunta Maamulka Waqooyi Bari.
Ciidamadan oo muddooyinkii u dambeeyay deganaa duleedka Magaalada Garoowe ayaa maanta iyaga oo wata gaadiidka dagaalka ay gaareen Laascaanood.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa ciidamadan ku sheegtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga guud iyo soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu wado in ay gaaraan Laascaanood.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in magaalada ay ka qabsoomi doonto xafladda caleema-saarka ee Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
Warka wasaaradda ayaa u qornaa:-
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo General Jimcaale, kana soo ruqaansaday Magaalada Garoowe ayaa soo gaaray Laascaanood.
Cutubyadan ayaa ka qayb qaadanaya sugidda amniga guud iyo u diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo lagu wado in ay gaaraan Caasimadda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Laascaanood.
Magaalada Laascaanood ayaa martigelin doonta munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo Maamulka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Somaliya.









