Wasaaradda Gaashaandhiga oo sheegtay in ciidamadu ay qabteen qaraxyadii ugu badnaa
Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa caawa sheegtay in Kumaandooska Gorgor oo kaashanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ay gacanta ku soo dhigeen miinooyinkii ugu badnaa ee hal hawlgal lagu soo qabto, ka dib hawlgal ay wasaaraddu sheegtay inay ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Muuri ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadu ay fashiliyeen qorshe argagixiso, oo ay maleegayeen 10 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, tani oo ka dambeysay markii la helay xogta dhaqdhaqaaq ay xubnahaasi wadeen.
Warka ayaa lagu sheegay in kooxdaasi ay dooneysay inay miinooyinka u gudbiyaan dhanka Deexda, si ay u carqaladeeyaan hawlgalada ay ciidamadu ka wadaan.
Deexda waa dhul dhoobey ama caro madow ah oo ku taala inta u dhaxeyso deegaanada Nambar Konton iyo Buulonaagey oo saaran waddada xiriirisa Magaalooyinka Marka iyo Afgooye.
Warka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa u qornaa:
Ciidamada Gaarka ah ee Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Deegaanka ayaa fuliyay hawlgal amni xaqiijin ah oo si guul leh uga dhacay deegaanka Muuri (N50) ee Gobolka Shabellaha Hoose, kad ib xog sirdoon oo lagu ogaaday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen Khawaarijta Al-Shabaab.
Hawlgalka ayaa si buuxda loogu fashiliyay qorshe argagixiso oo ay maleegayeen illaa 10 dhagarqabe, kuwaas oo doonayay inay miinooyin u gudbiyaan dhanka Deexda, si ay u carqaladeeyaan hawlgalada Ciidamada Qaranka. Dagaal kooban ka dib, maleeshiyaadkii argagixisada ayaa ka cararay goobta.
Intii uu socday hawlgalka, Ciidamada Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay 14 miino, kuwaas oo ah tiradii ugu badneyd ee hal mar laga soo qabto goob hawlgal iyo sidoo kale laba mooto oo ay argagixisadu u adeegsanayeen gaadiid ahaan.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan hawlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ka go’an ciribtirka khatarta miinooyinka iyo xaqiijinta nabadda, xasiloonida, iyo badbaadada shacabka dhammaan deegaannada dalka.










