Wasaaradda Gaashaandhiga oo sheegtay in CXD ay soo furteen dad afduub loo haystay

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa maanta sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay xalay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaan hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada oo hawlgalkan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

Wasaaradda ayaa warka ku sheegtay in ciidamadu ay hawlgalkan ku soo furteen soddon qof oo laba ka mida ay dumar yihiin, kuwaas oo Al Shabaab ay afduub u haysatay.

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay sidoo kale burburiyeen xarun maxkamadeed oo Al Shabaab ay ku lahayd deegaankaasi.

"Intii uu hawlgalka socday, ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo argagixisadu ku haysteen afduub. Sidoo kale waxaa la burburiyay xabsigii iyo maxkamad beenaadkii ay Khawaarijtu ku dhibaatayn jireen dadka rayidka ah." Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Gaashaandhiga.

Warka ayaa intaasi ku daray "Hawlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaalada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan kooxaha Khawaarijta ah, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ahaan dalka."

Shabaabka ayaa meelo badan oo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ku leh maxkamado yaryar, oo ay ku qaadaan kiisaska dadka u soo caddaaladda doonta.

Shabaabka ayaa u yeera dadka dacwadda laga yahay, si ay goobjoob uga noqdaan muddada ay maxkamadeyntu socoto.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa horey digniin uga soo saaray in aan la tagi karin maxkamadaha Al Shabaab.