Wasaaradda Maaliyadda oo la wareegtay Maamulka Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ayaa maanta la wareegtay Maamulka Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ka dib kulan dhex maray Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Taliska Booliska.

Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sare u qaadidda dakhliga gudaha, oo ay ka qaybgaleen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin, Kuxigeenkiisa General Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) iyo Hoggaanka Ilaalada Canshuuraha ee loo yaqaano (Tributaria), oo macnaheedu yahay canshuur. Hoggaanka Ilaalada Canshuuraha ayaa door muhiim ah ku leh uruurinta canshuurta laga qaado muwaadiniinta.

Dhinacyada ayaa si dhow uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay canshuur uruurinta, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira iyo habka ugu habboon ee lagu gaari karo xal waara.

Geba-gabadii, dhinacyada ayaa isu raacay laga bilaabo Axaddan in Wasaaradda Maaliyadda ay la wareegto Maamulka Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha, sida lagu sheegay qoraal fiidnimadii caawa ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dadaal ugu jirto sare u qaadidda dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha iyo xoojinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Kororka khayraadka & dakhliga gudaha iyo xoojinta maamulka maaliyadda ayaa muhiim u ah istiraatiijiyadda dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sii wadidda dhismaha dowladnimada dalka, waana mid ka mid ah shuruudaha horgudban barnaamijka dayn-cafinta dalka.

Wasiir Cige ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, Faysal Maxamed Xaashi.