Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijada 3,000 oo macalimiin ah oo la shaqaaleysiinayo
Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ayaa gelinkii dambe ee maanta shaacisay natiijada 3,000 oo macalimiin ah oo wasaaraddu ay shaqaaleysiinayso.
Macalimiintan ayaa laga xushay 8,000 oo macalimiin ah oo daba-yaaqadii bishii February u fariistay imtixaan uu hal-ku-dhigiisu ahaa (Shaqaaleysiinta 3,000 oo macalin), oo xilligaasi ay wasaaraddu sheegtay in ay qaadaneyso. Imtixaanka ayaa lagu qaaday 22 goobood oo ku yaala 11 magaalo oo dalka ah.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inta guuleysatay, kuwaa oo ku soo baxay darajada imtixaankii laga qaaday.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdaasi kun ee macalin ayaa bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo dhammaanba macalimiintii qaadeysay imtixaankaasi.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in hadda laga gudbay hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5, nin kastana uu ku meel mari doono aqoontiisa.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in ay jeexeen waddo cusub, oo hadda ka dib si hufan loogu tartami doono boosaska shaqo ee dowladda.
"Hadda waxaanu jeexnay waddo cusub oo si daahfuran loogu tartami doono boosaska shaqo ee dowladda." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaare Barre ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran uu yahay horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed ay dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macalin ay qaadato, kuwaa oo ka hawlgali doona gobolada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumaddiisu ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa yoolkeedu yahay in ay adeeg waxbarasho siiso saddex milyan oo ka mid ah barbaarta Soomaaliyeed, kuwaa oo gaaray da'dii waxbarasho, balse aan helin fursado waxbarasho iyo adeegyada dowliga ee dhanka tacliinta.






















