Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo booqasho ku jooga dalka India

Wasiirka Waxbarashada Somaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo maalmahaanba booqasho ku joogay dalka India ayaa la kulmay Hay'adaha Waxbarashada iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda India.

Wasiirka ayaa la kulmay Xoghayaha Galbeed Aasiya iyo Waqooyiga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda India, Dr. Pradeep Rajpurohit.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay, sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Dhanka kale Wasiirka ayaa la kulmay xubno ka tirsan Hay'adda Dowladda India u Qaabilsan Deeqaha Waxbarashada ee Caalamka, isagoona kala hadlay, sidii dowladda dalkaasi ay u kordhin laheyd deeqaha waxbarasho ee ay Somaliya siiyaan iyo in labada dowladood ay iska kaashadaan hubinta deeqahaasi waxbarasho, ee ku aaddan in sidii loogu talagalay looga faa'iideysto.

Wasiir Faarax waxaa kulamadan ku wehliyay Safiirka Somaliya ee dalkaasi, Danjire Axmed Cali Daahir iyo Qunsulka ahna Kuxigeenka Safiirka, Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Somaliya waxay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho ka hela India, inkastoo aan wax badan laga ogeyn tirada sanadlaha ay Delhi siiso Muqdisho.

Soomaalida ayaa dalkaasi u doonta waxbarasho, caafimaad, ganacsi iyo qaarkood oo deegaan ka sameysta.