Wasiir Fiqi "Muqdisho bishan taariikh ayay dhigeysaa"

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay bishan taariikh cusub samayn doonto, mar uu maanta uu weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta.

Wasiirka ayaa daba joogo Ururada Siyaasadda ee Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka horyimid inay ka qaybgalaan Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee 25-ka bishan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho, iyadoo weliba ay dadku codkooda ku soo dooranayaan xubnaha u sharaxan doorashadaasi.

"Wareerka Madashii calaacalka haystaa wuxuu gaaray in ay yiraahdaan oo ku dhiiradaan hadalo gef iyo gaboodfal ku ah Caasimadda Muqdisho." Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Wasiirka ayaa qoraal uu galabta ku daabacday bartiisa Facebook ku sheegay "Wareysi aan dhagaystay ayaa waxaa ku jirtay waa amni in la yiraahdo Muqdisho, waa nasiibdarro."

Wasiirka ayaan sheegin magaca siyaasiga hadalkaasi yiri, wuxuuse u muuqdaa mid farmuuqaya wareysi uu Shariif Sheekh Axmed siiyay BBC. Shariif Sheekh Axmed ayaa wareysiga ku sheegay inay wanaagsan tahay doorasho qof iyo cod ah, balse ay diidan yihiin qaabka ay dowladdu u maamuleyso doorashadaasi, isagoo tusaaleynaya duruufaha amniga ee dalka ka jira, doorashada oo aan heshiis lagu ahayn iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Dowladda Federaalka ay soo magacawday.

"Marka farsamo ahaan la yiraahdana waa in la helaa guddi qaran oo heshiis lagu yahay oo leh kartidii iyo hufnaantii uu wax ku qaban lahaa. Guddigan hadda jooga waa guddi ay koox soo magacaabatay oo heshiis aan lagu ahayn." Ayuu yiri Shariifka oo intaasi ku daray "Waxaad la socotaa ololaha doorashooyinka ee ka socdo Magaalada Muqdisho hal xisbi oo JSP la yiraahdo ayaa sameeya."

Shariifka ayaa muujiyay in Somaliya aysan ahayn Muqdisho oo keliya, oo amnigeeda uu is bedel weyn ka muuqdo, isagoo dhinaca kalena walaac ka muujiyay wax bedelka lagu sameeyay qodobada qaar ee Dastuurka KMG.

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga oo aad mooddo in uu durayay Shariifka ayaa yiri "Doorasho waa diideen, dastuur waa diideen, haddana amniga jira ee shisheeye iyo shacabba la wada qirayo ayay muran gelinayaan. Marka aad siyaasadda ku dayowdid waa sidaas."

Wasiir Fiqi ayaa qoraalkiisa ku xusay "Muqdisho bishan taariikh ayay dhigeysaa. Waxay dooraneysaa dad ay kala xisaabtami karto amniga iyo horumarka, qofkii intaaas diidanna waa mid Shabaabka la jecel in ay dalka ka taliyaan."

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo Isniintii shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in 12 Urur Siyaasadeed ay soo gudbiyeen liisaska Xubnaha Musharaxiinta Degmooyinka, kuwaas oo uu sheegay in qaarkood ay soo dhameystireen xubnaha kaga qaybgelaya doorashada, kuwa kalena aysan weli soo dhameystirin.

Ururada Siyaasadda ee illaa iyo hadda soo gudbiyay magacyada wakiilada kaga qaybgelaya doorashadan ayaa aad uga yar tirada isku diiwaangelisay, oo ah 61 Urur Siyaasadeed.

Doorashadan ayaa dhawaan la muddeeyay in 25-ka bishan December ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.