Wasiir Fiqi oo bogaadiyay hawlgalada ka socda Magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyay hawlgalada amniga lagu sugayo, ee ay ciidamada amnigu ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa hawlgaladan ku sheegay kuwo wax ku ool ah oo Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ku badbaadinayaan nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay maalmihii ugu dambeysay qaadeen tallaabooyin, oo sida uu sheegay ay mahdiyeen bulshada, isla-markaana ay ciidamadu ka hortaggeen fal dembiyeedyo khatar ku ahaa sida uu yiri ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Waan ku bogaadinayaa shaqada wanaagsan iyo adeegga ay ummadda Soomaaliyeed u hayaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, isla-markaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed." Ayuu yiri Wasiir Fiqi oo SONNA la hadlay.
Ciidamada ayaa Muqdisho ka wada hawlgal saddex weji leh, oo ay kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab, kooxaha burcadda/ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.
Inkastoo magaalada laga dareemay juhdiga badani ee ay ciidamadu ku bixinayaan xaqiijinta amniga, haddana waxaa weli magaalada ka dhacaya dilal qorsheysan iyo dhaca ay kooxaha ciyaal weerada u gaysanayaan dadka shacabka ah.


