Wasiir Fiqi oo Wasaaradda Amniga ku wareejiyay deeq loogu talagalay ciidamada

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa gelinkii dambe ee maanta laba neef oo geela ku wareejiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxamed Cali Xagaa, iyadoo ay deeqdani tahay mid lagu taageerayo Ciidanka Xasillinta Muqdisho.

25-ka wasaaradood ee Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa toddobaadkii hore mid walba lagu qoray in laba neef oo geela ku taageerto ciidamada, si ciidamada loogu garab istaago, dhiirigelina ay ugu noqoto.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ayaa deeqdan ku guddoomay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in labada neef ee geela lagu soo iibiyay lacago ay iska soo uruuriyeen masuuliyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si ay ka wasaarad ahaan kaga jawaabaan baaqii xukuumadda.

"Waan ognahay ciidamadeena waxa ay mudan yihiin ma gudi karno, laakiin tani waxay calaamad u tahay in wasaaradaha iyo Dowladda Somaliya ay ka war hayso shaqada fiican ee ciidanku hayo, nafta ay hurrayaan, dadweynaheena sida ay amnigiisa u sugayaan, Magaalada Muqdisho wixii ay ka sameeyeen Ramadankii la soo dhaafay iyo isbuucii ka dambeeyay, runtii waxay mudan yihiin in la dhiirigeliyo, intaan iyo in ka badan." Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay "Shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada iyo dhammaan dadka qurbajoogta ahna waxaan ugu baaqaynaa inay maalmahoodu ayagu qaataan, wasaarad walbana maalinkeeda ayay leedahay."

Muqdisho ayaa waxaa laga dareemay is bedel dhanka amniga ah, tan iyo intii amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.