Wasiir Fiqi oo weeraray dhinacyada uu shirka uga socdo Kismaayo

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday isbahaysiga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ee shirka uu uga socdo Magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa si toos ah u weeraray Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, kuwaas oo magacyadooda uu ka xusay Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka ayaa isbahaysigan siyaasadeed ee ku kulansan Kismaayo ku eedeeyay inay diidan yihiin doorashada qofka iyo codka ah ee dowladdu ka qabaneyso dalka, oo ay ugu soo horreyso Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee 25-ka bishan ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

"Nimanka Kismaayo jooga waxay leeyihiin annagaa idiin doorayno waxaad rabtiin, doorashana ma gaysiin. Siciid Deni deegaankiisii ayuu doorasho ka qabsaday, wuxuuna leeyahay Degmada Hodan isma dooraneyso. Axmed Madoobe ninkii la tartamayay baa guriga ku dhegan ku xiran oo xabsi ku jira, wuxuuna ka hadlaya doorasho." Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo galabta ka hadlayay kulan loogu ololeynayay Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo.

Wasiirka ayaa Siyaasiyinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ku dhalleeceeyay in ay ka masuul yihiin sababihii keenay in horumar laga samayn wayo kulamadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh isugu yeeray Xarunta Madaxtooyada ee looga hadlayay doorashooyinka dalka.

"Waxaa ayaan darro ah in nimankii Muqdisho, iyadoo Madaxweynuhu Madaxtooyada kala kulmay shan jeer, si looga wada hadlo arrimaha doorashada inay intay iska diideen ay Kismaayo u aadeen inay doorasho ay Axmed Madoobe ka soo wareystaan, oo la yiraahdo Sheekh Shariifow adaa dagaal geli karee, qorigaan kuu dhiibaynaayee dadkaagii laay. Xasan Cali Khayrow adaa dadkaaga dili karee, qorigaan kuu dhiibaynaayee bambo ka dhex tuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuurow adaa dadkaaga sidaas yeeli karee, adna sidoo kale, Rooblow sidoo kale. Waxaas sax miyaa." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Fiqi oo sii hadlayay ayaa carabta ku adkeeyay in dalka ay ka qabsoomi doonto nooca doorasho ee ay hadda waddo Dowladda Federaalka, isla-markaana aysan jiri doonin cid is hortaagi karta.

"Adeer doorasho ayay isugu tageysaa, qof carqaladeyn karana ma jiro ama safar ama shir gal, dadkan waxay go'aansanayaan ciddii xukumi lahayd, ayagaa gacantooda ku dooranaya, ayagaana iska dhex dooranaya." Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi oo ka hadlayay ololaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka uu ku qabsaday Garoonka Kubadda Cagta Jaamacadaha ee Degmada Hodan ayaa intaasi ku daray "Doorasho ayaa la gelayaa, waxaana nabadda hadda la sheego iyo horumarka keenay Xisbiga JSP, isagaana mudan in codka loogu rido."