Wasiir Gaboobe: Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Mudug ha joojiyaan dagaalka

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa walaac ka muujiyay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Gobolka Mudug, xilli gobolkaasi uu ka socdo hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.
Beelahan walaalaha ah ayaa ku dagaalamaya deegaanada Saaxa-wanaag iyo Laanwaley ee gobolkaasi. Dagaalka oo qarxay Axaddii, soona gaaray Isniintii ayaa salka ku haya daaqa iyo waraabka.
"Waxaa wax laga xumaado ah dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada Gobolka Mudug ee u dhaxeeya dadka deriska ee walaalaha ah, muddada dheerna halkaasi wada deganaa." Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.
Wasiirka ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay "In maantay uu ka faa'iideysto cadowgu, isla-markaana ay sameeyaan howlo cadowga u adeegaya, oo ah in ay isku laayaan deegaanada daaqsinka iyo waraabka waa wax aad iyo aad looga xumaado."
Wasiirka ayaa beelahaasi ugu baaqay in ay xabadda joojiyaan, isla-markaana aanay dhiig dambe halkaasi ku daadin, isagoona ku booriyay in ay ka wada hadlaan wixii tabasho ee dhexdooda ah, lagana gudbo gacan ka hadalka uu dhiigga ku daadinayo.
"Dadka walaalaha ah waxaa loo baahan yahay inay wada hadlaan, wixii ay kala tabanayaana la dhex galo, laakiin xabad dambe inaanan dib loogu soo laaban." Ayuu yiri Wasiir Gaboobe.
Dhanka kale Wasiir Gaboobe ayaa Puntland ugu baaqay in ay gacan ka gaysato dadaalada loogu kala dab qaadayo labada beelood.
"Walaalahayaga Puntland waxaan leenahay idinkuna soo fara-geliya, annaguna waan ka shaqeynaynaa, sidii lagu joojin lahaa colaaddaasi, labada maamulna uu iska kaashado, dhinaciina inaad ka soo baxdaanoo aad joojisaan dagaalka halkaasi ka socda, dhinacaan annaguna waan ka dhaqaaqaynaa, sidoo kalena waan joojinaynaa waxyaabaha ay dadka reer miyiga isku haystaan." Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray "Koley waxa maanta lagu dagaalamayo xaq maahanee Ilaahay dadka xaqa ha tuso, oo ha u midoobaan cadowga ka shaqeynaya in uu isku diro dadka walaalaha ah ee wada degan, hana laga feejignaado farriimaha cadowga iyo waxyaabaha ay sameynayaan, oo ay moodaan inay ku helayaan nafis ama lagu istaajinayo hawlgalada lagu la dagaalamayo argagixisada."
Dagaalada u dhaxeeya beelahan ayaa muddo dheer ku soo noqnoqday gobolka, inkastoo heshiiskii ay sanadkii 2020 ku gaareen Degmada Bandiiradley ay ka dhaxleen amni iyo iskaashi dhinaca horumarka ah.
Colaadda haatan dib uga soo cusboonaatay deegaanka ayaa caqabad ku ah nabadda iyo wax wada qabsiga ay dhowrkii sano ee ugu dambeysay dadku ku caano maalayeen.


