Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo booqday furimaha dagaalka
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka, Saalax Shariif Sayid Cali ayaa maanta gaaray deegaanka Goofgaduud Buurey, oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo.
Wafdigan oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Taliyaha cusub Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) iyo Saraakiil kale ayaa kormeeray fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaankaasi, oo ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.
Masuuliyiintan ayaa dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan kuwooda Qaybta 60aad oo halkaasi degan, iyagoona gaarsiiyay xoolo nool.
Wasiir Kuxigeenka Diinta & Awqaafta ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay ciidamada u soo booqdeen ay tahay, sidii ay u dhiirigelin lahaayeen Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka.
"Goofgaduud waa markii ugu horreysay ee aan imaado, dan kalena uma iman ee waxaan u imid geesiyaasha qaranka ee Goofgaduud ku sugan, si fiicana u difaacay, inaan dhaho waad mahadsan tihiin, sharaf ayaadna leeyihiin." Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.
Waxa kaloo uu yiri "Marka labaad dagaalka aan annaga ku jirno ee idinka aad hormuudka u tihiin, qoryahana u haysataan waa dagaal cibaado."
General Xasan Baydhabo oo ciidamada ka hor hadlayay ayaa isna sheegay in maalmaha soo socda la soo qaadi doono hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.
Kormeerkoodan ayaa imaanaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay iska caabiyeen weerar maleeshiyada Al Shabaab ay goor dambe oo xalay ahayd ku soo qaadeen deegaankaasi.












