Wasiir Shiiqow "Galmudug boqolkiiba sideetan waa laga nadiifiyay Shabaab"

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay in hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ay haatan si dardar leh uga socdaan deegaanada Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Galmudug iyo xoogaga deegaanka ay si wanaagsan isaga kaashanayaan hawlgalada ka socda Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay bilaa dagaal kula wareegeen deegaano badan, oo ay ka mid yihiin kuwo hoostagga Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee bariga Gobolka Galgaduud, qorshuhuna yahay in ciidamadu ay maalmaha soo socda gudaha u galaan degmooyinkaasi.

Wasiirka ayaa xusay in maleeshiyada Shabaabka aanay maanta lahayn awood ay ugu babac-dhigi karaan gulufka ku wajahan dhulka ay ka maamulaan Galmudug.

"Shabaab awoodoodii waa la wiiqay, ma jirto awood ay maanta uga hortagi karaan ciidamada is garabsanaya." Ayuu yiri Wasiirka oo ka warbixinayay hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka.

Wasiirka ayaa yiri "Meelaha qaar way dhacdaa in iska horimaad kooban oo si dhuumaaleysi oo kooxeysi ah ay ugu jiraan duurka, laakiin ma jirto dagaal hadda aan dhihi karno khasaaraa ka dhashay, oo ay ciidamadu wajaheen. Marka waqtigii Al Shabaab ay dagaalamayeen waa la dhaafay."

Wasiir Shiiqow ayaa sheegay sideetan boqolkiiba (80%) in Galmudug ay maanta xor ka tahay Shabaab, dhawaan laga suulin doono goobaha ay uga harsan yihiin.

"Waxaan is leeyahay Galmudug waqtiyada inagu soo aaddan, oo aad u dhow in ay nadiif ka noqon doonto kooxaha argagixisada." Ayuu yiri Wasiir Shiiqow.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo laabtay xafiiska, Shabaabka ayaa wajahayay guluf ballaaran oo dalka lagaga saarayo.