Wasiir Xagaa "Garan-waagii Shabaab waa geba-gabo"

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo barnaamijka garan-waa, ee dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho lagaga wacyigelinayo in aanay guryaha ku haysan xubnaha ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.
Dowladda Federaalka ayaa horaantii sanadkan Caasimadda Muqdisho ka bilowday olole lagu la dagaalamayo xubnaha Shabaabka ee sida qarsoodiga ah ku soo gala magaalada, kaas oo ay ugu magac-dartay (Garan-waa).
Wasiiru Dowlaha Amniga oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Dugsiga Tababarka ee General Kaahiye, kuna aaddaneyd diyaargarow ay haweenka Soomaaliyeed ugu diyaargaroobayaan ka mid noqoshada Shabakadda Hoggaamiyeyaasha Haweenka Afrika ayaa ugu baaqay in ay door muuqdo ka qaataan soo afjaridda garan-waaga, sida uu yiri.
"Sidaan marar badanba sheegay, haweenku waa lafdhabarta mujtamaca Soomaaliyeed, waana lafdhabarta ay ku tiirsan tahay Dowladnimada Soomaaliyeed, sidaasi daraadeed ka Wasaarad Amniga abaal gaar ah ayaan u haynaa haweenka Soomaaliyeed, sababtoo ah mar walba iyaga ayaa garbahayaga taagan, wax walboo uga baahanana aan ka helnaa." Ayuu yiri Wasiir Xagaa.
Wasiir Xagaa ayaa yiri "Waxaan rabaa inaan fursaddaan uga faa'iideysto garan-waagii waa geba-gabo, garan-waagii waa geba-gabo, sidaasi darteed waxaanu u baahanahay inaanu is kaba raacino, oo aynu ka sifeyno dalka iyo dadkaba inta dhuumanaysa, wax muuqdo hadda ma jiraan, laakiin inta dhuumaaleysanaysa ee dooneysa inay dhagarto ama dhagar u gaysato shacabka Soomaaliyeed inaad guryihiina ka soo saartaan."
Wasiir Xagaa ayaa bogaadiyay qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, isagoona si gaar ah ugu mahadceliyay Ciidanka Xasillinta Muqdisho, kuwaa oo uu ku ammaanay in ay wax badan ka qabteen xaaladda amni ee magaalada.
"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ciidanka Xasillinta Gobolka Banaadir oo shaqo muuqata oo lagu diirsaday ka qabtay Caasimadda Muqdisho." Ayuu yiri Xagaa.
Ciidanka Xasillinta Muqdisho oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare ayaa bishii Ramadan lagu wareejiyay amniga magaalada, iyadoona aad mooddo in amniga caasimadda uu ka soo reynayo, tan iyo markii ay la wareegeen ammaankeeda.


