Wasiir Xagaa "Waxaa bilowday qorshihii lagu sugi lahaa amniga Muqdisho"

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in uu bilowday qorshaha ay dowladda uga dejisay in lagu xaqiijiyo amniga Magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in qorshaha lagu xasillinayo ammaanka caasimadda ay iska kaashanayaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwa Nabad Sugidda iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaa oo sida uu sheegay ka amarqaadanaya Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidamadan ay barro amni ka sameysteen gudaha iyo dibadda magaalada, si looga hortaggo weerarada maleeshiyada Al Shabaab.

"Ciidanka Nabad Sugidda, Booliska iyo Ciidanka Militariga hadda waa hal mid oo ka amarqaata Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Marka waa ciidan mideysan oo hal talis leh, magacyadoodaa kala duwan, laakiin waa hal ciidan, wixii xasillin ee magaaladana waxaa xukuma Taliyaha Booliska oo hoos yimaadaan." Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga.

Wasiiru Dowlaha ayaa yiri "Hadda xeendaabkii dagaalka waa la fogeeyay, caasimadda culeyskii waa laga qaaday, Shabellooyinka iyo meel walba dagaal baa cadowga kaga socda, waxaan is leenahay qorshahaan boqolkiiba boqol (100%) waa ka fiicnaanayaa kii hore, Insha'Allah."

Waxa kaloo uu yiri "Waa bil Ramadaan'e, Ilaahay wax fiican baa laga baryaayee, waxaan fileynaa qorshahaan inuu noqdo qorshihii magaala madaxda Muqdisho ay nabadda ku noqon laheyd."

Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Amniga ayaa sheegay in ciidamada loo qaybiyay, qayb magaalada ka ilaalisa waxa soo gelaya iyo qayb kale oo gudaha ka sifeysa, waxa uu ugu yeeray cadowga.

"Haddii aan xeendaabka magaalada la xirin oo cadowga dibadda ka imaanayay aan laga difaacin magaalada, kan gudaha ku jira keligii lama xasillin karo. Ciidanka laba qaybood bay u qaybsan yihiin, qayb xeendaabkii magaalada xireysa oo ilaalineysa, wixii cadow ah ee magaalada soo geli lahaa iyo mid gudaha ah, oo la shaqeynaya Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Saldhigyada. Marka Gobolka Banaadir iyo ciidankana way wada shaqeynayaan." Ayuu yiri Xagaa.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cuddudeeda isugu gaynaysa, sidii amni iyo kala dambayn loogu soo dabaali lahaa Caasimadda Muqdisho.