Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Bariga Afrika oo shir ku yeeshay Sharm El-Sheikh
Wasiirada Maaliyadda iyo Madaxda Bankiyada ee Wadamada Bariga Afrika ayaa maanta ku kulmay Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.
Shirka ayaa ahaa mid looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha ee Dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku gadaaman kobaca dhaqaalaha.
Shirkan ayaa sidoo kale daarnaa, sidii dalalkaasi uu mid walba maalgelin uga heli lahaa Bankiga Horumarinta Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah Wasiiradii ka qaybgalay shirkaasi ayaa muujiyay muhiimadda uu shirku u leeyahay kobaha dhaqaale ee dalalka dhaca Afrikada Bari.
Sharm El-Sheikh ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ka furmo shirka sanadlaha ee Bankiga Horumarinta Afrika.






