Wasiirka Amniga oo bogaadiyay ciidamada fashiliyay weerarkii Shabaab ee Wargaadhi

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee maleeshiyada Al Shabaab ka hor istaagay in ay qabsadaan deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasiirka ayaa ciidamada ku ammaanay in ay jilbaha u laabteen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay khasaare buuran ugu gaysteen dagaalka ka dhacay deegaankaasi.
Wasiirka ayaa ku waramaya in Shabaabku uu jab ka qabsaday weerarada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Fartaag ayaa shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca dalkooda, isla-markaana ay garab siiyaan ciidamadooda, haddii aysan jirin cid ay Shabaabku dhaafayaan.
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa kulankooda Khamiislaha ku bogaadiyay guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan jiidaha hore.
Tobanaaan ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa la aaminsan yahay in lagu dilay dagaalka culus ee maanta ka dhacay deegaanka Wargaadhi.
Xubno Shabaab ah oo ka baxsanayay Wargaadhi ayay diyaarad dagaal ku beegsatay aagga deegaanka Towfiiq, oo Shabaabku ay weerarkoodan ka soo qaadeen.