Wasiirka Amniga oo la hadlay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo codsi uu u jeediyay

Wasiirka Amniga Somaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo maanta hortagey Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u jeediyay khudbad uu sharaxaad kaga siinayay Hindise sharciyeedka Ciidanka Booliska oo wasaaraddiisa ay soo gudbisay.

Wasiirka ayaa sheegay in hindisahan uu ahmiyad u leeyahay amniga qaranka iyo ilaalinta shuruucda u degsan dalka.

Wasiirka ayaa hindise sharciyeedkan cusub ku tilmaamay mid kor u qaadaya amniga, tayaynta iyo xirfadaha hay'adaha ammaanka, gaar ahaan Ciidanka Booliska oo hab cusub ugu adeegaya qaranka.

"Qodobada ugu muhiimsan ee sharcigan, waxaa saldhig u ah dadaalada dowladda ee ku aaddan dhismaha nabadda, xoojinta anshaxa iyo habraacyada shaqo ee ciidamada, waxaa uuna kor u sii qaadayaa kalsoonida shacabka ee hay’adaha ammaanka." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Fartaag ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday inay ansixiyaan hindisahan oo hadda horyaalla, haddii aan looga maarmi karin sida uu sheegay xasilloonida, amniga iyo horumarka dalka.

Xildhibaanada oo intaasi ka dib akhinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska ayay qaar ka mid ah Xildhibaanadu ay Wasiirku weydiiyeen su'aalo la xiriira mabaadii’da guud ee hindisahan uu ku dhisan yahay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay akhrinta labaad marsiiyaan hindisahan, marka Guddiga Arrimaha Gudaha & Amniga ee Golaha Shacabka uu soo diyaariyo qaybtiisa labaad.

Xildhibaanada ayay tahay inay cod u qaadaan Hindisaha Sharciyeedka Ciidanka Booliska, kolka uu ka gudbo akhrinta saddexaad, lana turxaan bixiyo qodobada ay dooduhu ama su'aalaha ay ka soo noqon karaan.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiil Booliska ka tirsan, oo uu ka mid yahay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif).

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo fadhigii maanta shir guddoominayay ayaa ugu dambayn soo xiray kulankaasi.