Wasiirka Amniga Somaliya oo gaaray dalka Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Belgrade ee dalka Serbia.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Bratislav Gasić, isagoona muddo saddex cisho ahi soo joogi doona Caasimadda Belgrade.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in muddada uu Wasiirku ku sugan yahay dalkaasi uu kulamo kala duwan la doono masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Serbia.
"Wasiir Maxamed Doodishe muddo Saddex cisho ah ayuu joogi doonnaa Serbia, isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Serbia, oo uu ugu horreyo Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Serbia, Mudane Bratislav Gasić." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu dalkaasi tababar ugu soo xiri doonnaa ciidan ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, oo muddo afar bilood tababar ku qaatay Serbia.
Dhanka kale waa markii ugu horreysay oo Warbaahinta ay baahiso safar uu dibadda ku tegay Wasiir Doodishe, tan iyo 27-kii bishii November, markaas oo uu ku dhaawacmay weerarkii dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan ku qaadday Hotel Villa Rays ee Magaalada Muqdisho.
Wasiir Doodishe ayaa dhawaan ka bogsaday dhaawacaasi, oo muddo billo ahi uu la tacalayay, iyadoona aan muddadaasi lagu arag fagaareyaasha, inkastoo uu daba-yaaqadii bishii February bilaabay in uu qaabilaad dhif ahi sameeyo.


