Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi oo booqasho ku jooga Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi, Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Axaddii booqasho rasmi ah oo laba maalmood qaadaneysa ku yimid Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse).
Labada Wasiir ayaa kulan horudhac ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyagoona ka wada hadlay taageerada dhanka amniga ee ay Burundi siiso Somaliya.
"Waxaan uga mahadceliyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin howlaha ATMIS ee Somaliya." Ayuu Wasiir Huruuse ku sheegay bartiisa Twitter-ka.
Wafdigan ayaa inta ay ku sugan yihiin caasimadda, waxa ay la kulmi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo sida la sheegay ay gaarsiin doonaan dhambaal salaan ay kaga sidaan dhiggiisa dalkaasi, Évariste Ndayishimiye.
Burundi ayaa qayb ka ah dalalka Midowga Afrika ee ay Ciidamada Nabad Ilaalinta ka joogaan Somaliya.






