Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee dalka, Danjire FEI Shengchao, kaas oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Wasiirku uu Danjiraha kala hadlay, sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si dhow uga wada hadleen, sidii loo xoojin lahaa dhinacyada iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, maalgashiga iyo taageerada bani'aadanimo, si loo gaaro danaha ugu sarreya ee labada qaran.
Dowladda Somaliya ayaa bartamihii bishan ka codsatay Shiinaha in uu ka gacan siiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo dib u soo celinta xasilloonida dalka.








