Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo sheegay in is bedel laga sameynayo Degmada Aadan Yabaal

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay wadaan hawlgal ay ku soo afjarayaan joogitaanka maleeshiyada Al Shabaab ee Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda ku sugan yihiin deegaanada hoostaga degmada, isla-markaana ay culeys ku hayaan maleeshiyadaasi.

Wasiirka oo ka hadlayay dagaalka xoogan ee maanta ka dhacay duleedka degmadaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay ku jebiyeen kooxaha argagixisada.

"Argagixisada waa lagu jebiyay dagaalka, aagaggoodiina ciidamada ayaa is gaaray. Dhufeysyadoodii Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku jiro." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle.

Wasiirka ayaa yiri "Degmada Aadan Yabaal nawaaxigeeda oo dhan iyo deegaanada hoostaga waxaa ku sugan Ciidanka Dowladda iyo Macawiisleyda oo iyaga ayaa gaaray."

Wasiir Karoore ayaa Warbaahinta u sheegay "Degmo ahaan, magaalada afarteeda xaafadood iyo afaafkeeda hore ayay Shabaabka joogaan, saacadaha soo socdana is bedel ayaa dhici doona, Insha'Allah."

Ciidamadan gulufka ku haya Degmada Aadan Yabaal oo Al Shabaab ay qabsatay 16-kii bishii April ayaa Axaddii ka soo gudbay xuduudda Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa iska caabin xoog badan kala kulmaya Shabaabka isku dayaya in ay difaacdaan degmadan oo ku taala goob istiraatiiji ah.

Degmadan ayaa ahayd Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ku leeyahay Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe (Hirshabelle), ka hor inta aanay Shabaabku dagaal culus kula wareegin shan toddobaad ka hor.

Qabsashada Al Shabaab ee degmadaasi ayaa dhibaato weyn ku noqotay qorshihii socday ee lagu doonayay in ciidamadu ay dib ugu la wareegaan deegaanadii ay Shabaabku billihii February iyo March ka qabsadeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.