Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Taliska AUSSOM kala hadlay howlaha ay dalka u joogaan
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Taageerada & Xasillinta ee Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fulinta waajibaadka Hawlgalka AUSSOM, oo ah mid Dowladda Federaalka lagaga taageero howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
"Wada hadalada ayaa diiradda lagu saaray fulinta waajibaadka AUSSOM, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta iskaashiga amniga, xasillinta iyo dib-u-heshiisiinta ee lagu taageerayo mudnaanta ay Soomaalidu hoggaamiso." Ayaa lagu yiri war gelinkii dambe ee maanta ka soo baxay Taliska AUSSOM.
Warka ayaa lagu sheegay "Labada dhinacba waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka dhow ee AUSSOM iyo Dowladda Faderaalka Somaliya, si loo horumariyo dadaalada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagu xoojinayo dowladnimada, hay'adaha ammaanka, xasilloonida iyo nabad waarta."
Warka Taliska AUSSOM ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ay dib-u-eegis ku sameeyeen horumarka laga gaaray ujeedooyinka la wadaago, mudnaanta la isku waafajinayo, xasillinta ay AUSSOM dalka u joogto iyo xoojinta wada-shaqaynta, si kor loogu qaado dadaalada lagu taageerayo dowlad-dhiska Dowladnimada Somaliya.






