Wasiirka Caafimaadka Somaliya oo gaaray dalka India

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Cali Xaaji Aadan ayaa gaaray Magaalada Delhi ee xarunta dalkaasi India.

Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Gandhi ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay Safiirka Somaliya ee dalkaasi, Danjire Axmed Cali Daahir iyo Kuxigeenkiisa Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Wasiirka ayaa Caasimadda Delhi kaga qaybgeli doona shir caalami ah, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi, oo looga hadlayo badqabka meeraha (dhulka) ee aynu ku nool nahay.

Safarkan ayaa noqonaya mid ka mida safarada naadirka ah, ee uu Wasiirku ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, tan iyo markii xilka loo magacaabay, 2-dii bishii August ee sanadkii hore.