Wasiirka Difaaca Kenya oo Mucaaradka la barbardhigay Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale oo socdaal ku maraya deegaanada dhaca xuduudda Kenya la wadaagto Somaliya ayaa si kulul u weeraray Mucaaradka Kenya.

Kenya ayaa waddo qorshe ay ku hubeyneyso shacabka ku dhaqan deegaanadaasi, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo Shabaabku ay muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan Gobolada Xeebta iyo Waqooyi Bari Kenya.

"Halkan waxaan u nimid inaan shacabkayaga kala hadalno la dagaalanka Al Shabaab, mana ahan mid aanu qarinayno. Ciidanka Difaaca Kenya waxay dastuuriyan xaq u leeyihiin in dalka, dadka iyo xuduudaha Kenya ay dhammaantood difaacaan. Al Shabaab waxaan kula dagaalamaynaa xuduudayada iyo gudaha dalka Somaliya, sababtoo ah Kenya waxay joogtaa gudaha Somaliya, masuuliyadna waxay ka saaran tahay in ay la dagaalanto cid kasta oo dalkani ku soo duuleysa oo gudaha Somaliya ku sugan." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kithure Kindiki ugu baaqay in wasaaraddiisu ay wax ka qabato qulqulatooyinka ka jira dalka.

Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegay in Kenya ay hadda leedahay laba cadow, oo uu ku kala sheegay Al Shabaab iyo Xisbiga Mucaaradka ee Raila Odinga uu hoggaamiyo.

Labaduba waxa uu sheegay in ay argagixiso ku yihiin shacabka Kenya, isagoo intaa ku daray in kuwa rabshadaha ka wada Caasimadda Nairobi ay la mid yihiin Al Shabaab.

"Waxaan u sheegaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mr. Kindiki adigu la dagaalan kooxdan gudaha dalka Kenya carqaladda ka waddo, waxay la mid yihiin kooxaha argagixisada. Kuwa Nairobi dadka ku leynaya, hantida dhacaya, dalkana burburinayo waxay la mid yihiin Al Shabaab, waana argagixiso kale. Annagu waxaan la diriraynaa Al Shabaab, annaga oo adeegsanayna Ciidanka Militariga, adiguna waxaan kaa codsanaynaa inaad gudaha ka xoreyso dadkan siyaasadaha gaarka ah Kenya ka leh oo la mid ah Al Shabaab." Ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Raila Odinga, Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya ayaa ku hanjabay in mudaaharaadyada ay dhawaan bilaabeen ay toddobaadkiiba saddex maalmood qaban doonaan, tani oo walaac amni ku abuurtay dadka Kenyanka.

Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee rabshadaha watay ee dalkaasi ka dhacay ayaa galaaftay nolosha in ka badan toban qof, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen, halka la boobay goobo ganacsi.