Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo Danab ah

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa galabta tababar u soo xiray cutubyo cusub oo ku biiraya Ciidanka Kumaandooska Danab, oo muddo uu tababar uga socday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Xerada Gaashaanle Xasan Tuure ayaa tababarka u soo xiray ciidamadan, oo noqonaya dufacaddii 9aad oo Danab yeelato.

Ciidamada ayaa goobta ku soo bandhigay dhoolatus la xiriira tababarka ay qaateen iyo sida loogu carbiyay difaaca qaranka.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada cusub ay ka rajeynayaan inay ka soo dhalaalaan doorkii lagu yaqiinay Danab.

"Waxaan rajeynayna dhallinyarada maanta qalin jebineysa, haddii Alle yiraahdo inay kaalintaasi lagu yaqiinay Ciidamada Danab qaadan doonaan ama ay ka soo dhalaali doonaan." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri "Danab waxay wax ka bedeleen goobaha dagaalka ee lagu la dagaalamayo Khawaarijta. Tusaale markaan u soo qaadano in xeradan loogu magac-daro Gaashaanle Xasan Tuure, illaa hadda ma jiro Sarkaal kale oo lagu magacaabay munaasabad sidani oo kale ah."

Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) waxa uu ahaa Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab, waxaana uu 20-kii bishii January ee sanadkan uu ku geeriyooday weerar qaraxyo bilowday oo maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Xoogaga Kumaandooska Danab oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa Saldhigga Gaashaanle Xasan Tuure ku tababara Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee dalka ka hawlgala.

Mareykanka ayaa Dowladda Federaalka ka taageera tababarada & tayaynta Ciidanka Kumaandooska Danab iyo weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Danab waa ciidan dhinaca dhulka oo loo tababaray la dagaalanka maleeshiyada Shabaabka, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mida ciidamada gaarka ee ay maanta Somaliya leedahay.

Kumaandooska Danab ayaana la hawlgala Ciidamada Militariga Mareykanka ee dalka ku sugan, kuwaa oo inta badan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ka fuliya weerarada dhanka cirka ee lagu bartilmaameedsado horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab.