Wasiirka Gaashaandhigga oo baaq u jeediyay shacabka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Laba xidigle Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, Taliye Kuxigeenkii Hoggaanka Howlgelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo shalay Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac ay maalmo ka hor kooxo hubeysan ugu gaysteen xaafadda Danwadaagta ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

"Maanta waxaanu joognaa janaasada shahiidkeena Cabdicasiis oo qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed meel weyn uga yaalo, waxaana xaqiiqo ah in Ilaahay uu yiri qof walba oo adduunkan joogo inuu geeriyoonayo oo geerida dhadhaminayo." Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa ku celiyay in Dowladda Federaalka ay si dhab ah ula dagaalami doonto maleeshiyada Al Shabaab, isagoona shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dalka dalka looga ciribtirayo maleeshiyadaasi.

"Waxaan rabaa inaan halkan kala dardaarmo dhammaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan. Shacabkaygiiyow wiilal iyo gabdho oo aad adinka dhasheen oo ilmihiinii ah oo waalid u tihiin, walaaladiina ah, waxbadana idiin ah ayaa shaqadan qaranka maalin walba u shahiida. Waxaan codsanaynaa Khawaarijtaas in dagaalkooda aan loo kala harin." Ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiir Jaamac ayaa dhanka kale waxa uu Ciidamada Qalabka Sida faray in ay dardargeliyaan gulufka xididada loogu siibayo, waxa uu ugu yeeray Khawaarijta.

Dilka Taliye Kuxigeenkii Hoggaanka Howlgelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka, Cabdicasiis Maxamed Maxamuud loogu gaystay Magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay uu ka soo reynayay amniga caasimadda.