Wasiirka Gaashaandhigga oo ka jawaabay eedeymo ka soo yeeray Xildhibaan Sanbaloolshe

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka jawaabay eedeymaha uu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) u jeediyay qaabka uu u socda wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Dowladda Federaalka ayaa horaan sheegtay in gulufkan ay iska kaashan doonaan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa deegaanka iyo ciidamo ka socda dalalka safka hore, oo door ka qaadanaya hawlgalka ay tahay in dalka looga ciribtiro maleeshiyadaasi.
Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa dowladda ku eedeeyay in ay hoos u dhigtay doorkii shacabka Soomaaliyeed ee la dagaalanka Al Shabaab, hawlgalkuna uu u egyahay mid ay dowladdu ku soo koobtay ciidamada oo keliya.
"Waxa ugu weyn ee dagaalkan guushiisa keenay wuxuu ahaa in shacabka iyo Shabaab la iska horkeeno. Dagaalka maalinta dowladda ay hoggaamineyso dib u dhacyo iyo jabaa ka yimaada, maalinta dadku uu hoggaaminayana horumar iyo guulaa ka yimaada." Ayuu yiri Sanbaloolshe.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in hawlgalada ay si wanaagsan uga socdaan dalka, gaar ahaan Hirshabelle iyo Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed-na uu diyaargarowga ka socdo.
"Guud ahaan dalka waxaa ka socdo dib u xoreyn oo la isaga dulqaadayo dulmiga Khawaarijta, dalka meelo kala duwana wuu ka socdaa, oo ay ugu horreyaan Hirshabelle iyo Galmudug, meelaha qaarkoodna diyaargarow ayaa ka socdo. Marka shaqadii soo bilaabatay billo ka hor ayaa weli socoto." Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray "Dib u xoreyntii Khawaarijta si fiican ayay u socotaa."
Wasiirka oo VOA la hadlay ayaa yiri "Annaga iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanayno ayaa guluf dagaal lagu qaaday Khawaarijta, deegaano, tuulooyin iyo degmooyin badan ayaa laga xoreeyay."
"Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyo, inta taako ka mid ah Somaliya ay Khawaarijta ku sugan yihiin xabadda kama joogsan doonto, haddii Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay dagaalka u kaashan doonto cid kasta oo ka gacan siineysa dib u xoreynta dalka.
Wasiir Jaamac ayaa meesha ka saaray eedeymaha dowladda loo jeedinayo, ee ah inaanay dadka deegaanka ka tala-galineynin hawlgalka la filayo in dhawaan la qaado, ayna dhaawici karto dardartii uu dagaalku ku socday.
"Deegaan walba oo la xoreynayo dadkiisa ay khuseyso waan kala tashanaa, waana ka tala-galinaa, cid walbaa inta ka khuseyso way ka qayb qaadataa, waana laga tala-galiyaa." Ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Wasiir Jaamac ayaa bogaadiyay doorka shacabka ee dagaalkan la doonayo in dalka lagaga saaro maleeshiyada Shabaabka, isagoona muujiyay in kaalintooda ay lagama maarmaan u tahay qaranka.


